Home » Horyaalada » italian Serie A » XAQIIQ: Gianluigi Donnarumma Oo Ku Guuleystay Abaalmarin Qaaliya & Xidigaha Uu kaga Guleystay

XAQIIQ: Gianluigi Donnarumma Oo Ku Guuleystay Abaalmarin Qaaliya & Xidigaha Uu kaga Guleystay

Goolhayaha da’da yar ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka ayaa ku guuleystay abaalmarinta NxGn ee ay shabakadda caalamiga ah Goal ugu tala gashay iney kusoo saarto liiska 50-ka xidig ee la is oran karo waa da’yarta soo hana qaadeysa kuwa ugu waxqabadka fiican ama laga fili karo hanaanka wacan.

Shabakadda waxey weydiisay khabiiradeeda ka hawl gala 37-da qeyb ee ay shabakadda u qeybsan tahay sida loo qiimeyn karo xidigaha dhashay 1-da January 1998 iyo wixii ka dambeeyay kuwaas oo loo eegay qibradda iyo tayada ay ku dhex leeyahiin qaaradda yurub.

Donnarumma ayaa noqday shaqsiga ugu sareeya iyadoo 18-jirkaan uu isku calaamadiyay numberka 1-aad ee kooxda Ac Milan, sidoo kalana uu laba jeer matalay qaranka Azzurri. goolhayaha lagu neynaaso “Buffon-ka cusub” wuxuu talaabooyin yar kaga qaaday abaalmarintaan da’yarka Monaco Kylian Mbappe kaas oo isna lala barbardhigo Thierry Henry.

Booska sadexaad waxaa soo galay garabka weerarka reer Mareykan Christian Pulisic kaas oo ka mid ah sadexda xidig ee laga soo xulay Dortmund ee ku jira 10-ka ugu sareeya – waxaana kula jira Alexander Isak oo galay booska 5-aad iyo Felix Passlack oo galay booska 8-aad.

Liiska Oo Dhameystiran:

Milan (Donnarumma iyo Locatelli), United (Fosu-Mensah iyo Angel Gomes), Liverpool (Ben Woodburn iyo Trent Alexander-Arnold), Real Madrid Castilla (Sergio Diaz iyo Achraf Hakimi), Ajax (Justin Kluivert iyo Matthijs De Ligt) Paris Saint-Germain (Moussa Diaby iyo Lorenzo Callegari) iyo Metz (Vincent Thill iyo Ismaila Sarr).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *