Home » Horyaalada » XAQIIQO: Liverpool Oo Diyaar U Ah Iney Man City & Chelsea Kula Tartanto Saxiixa Daafaca Saint Virgil van Dijk

XAQIIQO: Liverpool Oo Diyaar U Ah Iney Man City & Chelsea Kula Tartanto Saxiixa Daafaca Saint Virgil van Dijk

Liverpool ayaa diyaar u ah iney kooxaha Manchester City iyo Chelsea kula tartanto saxiixa daafaca Southampton iyo qaranka Holland Virgil van Dijk waxeyna ka dhigan doontaa dooqa koowaad marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.

Manchester City iyo Chelsea ayaa muddo aad u badan lala xiriirinayay saxiixa xidigaan heerka caalami, balse maamulka Liverpool waxey aad ula dhaceen qaab ciyaareedkiisii kulan ay Reds iyo Sant barbaro gool la’aan ah ku galeen St Merry 19-kii November.

Ronald Koeman oo Everton hogaamiya ayaa sidoo kale xiiseynaya daafacaan kaas oo la amray inuu kooxda xoojiyo xagaaga soo aadan.

Klopp wuxuu isha ku hayaa inuu kooxdiisa dib u habeyn baahsan ku sameeyo gaar ahaan dhanka daafaca oo ay aad uga liitaan, balse dhibaatada ugu badan oo ay kooxahaan la kulmi karaan waxey tahay tababaraha Saint Claude Puel oo aan dooneyn inuu iibiyo.

Si kastaba wax walba waxey kala cadaan doonaan marka uu furmo suuqa kala iibisga xagaaga iyadoo haatan uu daafaca dhaawac kaga maqan yahay kooxdiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *