Home » Maxaa Cusub » Xaqiiqooyin Gaar Ah Oo Ku Saabsan Kulanka Old Trafford Ku Dhexmari Doona Man United Iyo Chelsea.

Xaqiiqooyin Gaar Ah Oo Ku Saabsan Kulanka Old Trafford Ku Dhexmari Doona Man United Iyo Chelsea.

Manchester United ayaan wax guul ah ka gaarin sideed kulan oo ay kulamada Premier League-ga wajahday Chelsea, 4-barbaro iyo 4-guuldaro, waana rikoorkii ugu dheeraa ee gooldaro la’aan oo ay koox ka ciyaarta horyaalkaan kala kulanto.

Chelsea ayaa baadi goobeysa iney minan iyo marti u garaacdo hal xili ciyaareed Manchester United markii ugu horeysay tan iyo 2009/2010, markaas oo uu kooxda maamule ka ahaa Carlo Ancelotti.

Guul ay gaarto Chelsea maanta, Antonio Conte waxey ka dhigi doontaa tababarahii afaraad ee taariikhda Premier League-ga laba kulan (minan iyo marti) hal xili ciyaareed u garaaca Man United, waxaana kaga horeeyay Glenn Hoddle 1993/94, Jose Mourinho 2004/05 Iyo Carlo Ancelotti 2009/10.

Manchester United ayaa dhalisay kaliya sadex gool, 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka hortagtay Chelsea dhamaan tartamada oo dhan.

N’Golo Kante ayaa shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay Blues la ciyaartay Red Devils dhamaan tartamada oo dhan, waana goolasha kaliya oo uu kooxdiisa u dhaliyay 34-kulan oo uu u ciyaaray.

Manchester United ayaan wax guuldaro ah la kulmin 21-kulan (1o-barbaro iyo 11-guul), waana guuldaro la’aantii 10-aad ee ugu dheereed taariikhda tartankaan.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ka qeyb qaatay 18-gool, 17-kiisii kulan ee ugu dambeeyay kulamada Premier League 13-gool iyo 5-caawinaad.

Manchester United ayaa badisay kaliya lix kulan, 16-kii kulan ee ay xili ciyaareedkaan ku ciyaartay gurigeeda, waana rikoorkoo ugu xumaa ee gurigeeda ay ku hesho tan iyo 1973/74.

Chelsea ayaa heshay dhibco ka badan dhibcahii ay Manchester United ku hanatay horyalaka Premier League xili ciyaareedkii 96/97, (75-dhibcood).

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *