Home » Horyaalada » Xavi “Dybala Waa Xidig Heer Sare Ah Wuuna U Qalmaa Inuu U Ciyaaro Kooxdaasi”

Xavi “Dybala Waa Xidig Heer Sare Ah Wuuna U Qalmaa Inuu U Ciyaaro Kooxdaasi”

Xidigii hore kooxda Barcelona Xavi ayaa ku faraxsan xidigi weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala in uu u qalmo u ciyaarista kooxda Barcelona.

xidigan reer Argentina ayaa horu mar ssameeyay tan iyo markii uu juventus kaga soo biiray kooxda Palermo sanadii 2015-ka sidoo kale waa xidig xirfad sare ku leh ciyaarta kubada cagta kaasoo 14-jeer shabaqa soo taabtay xili ciyaareydkan.

Barcelona ayaa ku jirta kooxaha doonaya 23-sano jirkan waayaha wacan ku qaadanaya Juventus stadium sido kale Xavi ayaa jecel in uu mar qura ku arko garoonka Camp Nou.

“Dybala waxaa uu ku fiicanyahay in uu u ciyaaro kooxda Barcelona hadii aad eegto ciyaaryahada halkaas ka ciyaara” ayuu yiri Xavi mar uu wareysi siinayey majalda Marca.

“waa xidig xirfad sare leh wuuna u ciaari karaa koox kasta oo weyn, waa uu ku dhashay sida uu u ciyaaro ma ahan xidigaha gadaal xirfada kubada cagta ka bartay,waan uu u diyaarsanyahay inuu u ciyaaro kooxda Barcelona.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *