Home » Europe » Champions League » Xiddiga Barca Lionel Messi oo si shaqsi ah uga careysan guulaha Real Madrid gaartay sannadkaan & Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

Xiddiga Barca Lionel Messi oo si shaqsi ah uga careysan guulaha Real Madrid gaartay sannadkaan & Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

 

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu si shaqsi ah uga careysan yahay guulihii ay ku tallaabsatay Real Madrid intii lagu jiray fasal ciyaareedkii 2016 illaa 2017.

Sababta ugu weyn ayaa waxay tahay inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Argentian aaminsan yahay inuu abaalmarinta Ballon d’Or ka qaadan doono xiddiga kooxda Los Blancos Cristiano Ronaldo.

Inkastoo uu Leo Messi maray xilli ciyaareed cajiib ah isagoo dhaliyey 54 gool 52 kulan oo uu saftay, hadana xiddigaan ayaa wuxuu dareemay madax xanuun weyn ka dib markii ay kooxda Real Madrid ku guuleysatay koobka horyaalka La Liga maalintii ugu dambeysay ololihii soo idlaaday.

Balse carada Messi ayaa sarre usii kacday ka dib markii ay Real Madrid noqotay kooxdii ugu horreysay ee difaacata koobka UEFA Champions League.

Sida laga soo xigtay shabakadda Gol Newsaper, Messi kuma faraxsana natiijada ugu dambeysa ee usoo baxday, wuxuuna dareensan yahay inuu CR7 haatan ku guuleysan doono abaalmarintiisii 5aad ee Ballon d’Or maadaama ay kooxdiisa Real Madrid guulo ku tallaabsatay sannadkaan.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Messi ayaana wuxuu guuldarrooyinka kooxdiisa Barca ku eedeeyey tababarihii xilka iska casilay Luis Enrique. Wuxuuna ka xumaaday inuu kulamo muhiim u ah Barcelona u adeegsaday daafaca reerFrabce Jeremy Mathieu, tusaale ahaan ciyaarihii ay guuldarrooyinka kala kulmeen Malaga iyo Juventus.

Sida ay warbixintaani sheegeyso 29 sanno jirkaan Messi ayaa haatan kooxda ka filaya inay ciyaartooy waa weyn usoo iibiso tababaraha cusub Ernesto Valverde si Barcelona uu guulo ugu hogaamiyo inta lagu jiro taliskiisa.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *