Home » Horyaalada » Xidiga Bartilmaameydka U Ah Kooxda Real Madrid Eden Hazard Oo Qoyskiisa Ka Hadleyn Suurta Gal Ahaanashaha Ka Dhaqaaqida Chelsea

Xidiga Bartilmaameydka U Ah Kooxda Real Madrid Eden Hazard Oo Qoyskiisa Ka Hadleyn Suurta Gal Ahaanashaha Ka Dhaqaaqida Chelsea

Real Madrid Xidiga ay Bartilmaameydsaneyso ee Eden Hazaard ayaa waxaa la soo sheegayaa in qoyskiisa aysan ku qanacsaneyn in uu hazard ka dhaqaaqo London.

Weeraryahankan reer Belgium ayaa ku jira xidigaha Zinedine Zidane uu doonayyi in uu Bernabeu kusoo biiriyo markii uu idlaado xili ciyaareydkan.

Chelsea ayaa ku wareersan xidigan sida suuqa kala iibsiga Spain looga raadinayyo kaasoo 11-jeer shabaqa soo taabtay xili ciyaareydkan inta uu socdo.

Balse 26-sano jirkan ayaa ka gaabsaday hadalada lisla dhax marrayyo ee ku aadan ka dhaqaaqida london kaaso qoyskiisa iyo caruurtiisa ay doonayyan in ay kusii noolaadaan london.

Hazard ayaa beejka kooxda Chelsea ku sheegay in uu doonayyo in England uu mudo ku noolaado kaan ciyaaro waxaana cajiib noqon doonta hadii uu ilaa xirfadiisa kubada cagta uu baaqi kusii ahaado Chelsea sida xanta lisla dhaxmarayyo.

“waa suurta gal in aan ku noolaano Belgium ka dib markaan ka fadhiisto kubada cagta anigoo usoo dhawaanayya qoyskeyga ama raadinayya meel cimilo fiican leh, caruurteyda waxaa ay ku nool yihiin London waana ay ku faraxsanyihiin” ayuu yiri Hazard.

Hazard oo la fahansanyahay in uu baranayo luqada Spain ayaa sheegay inuu doonayyo in uu ku hadlo luqado kala duwan wuxuuna yiri ” waxaan jeclahay in aan barto Chinese ama luqada Jabanese sababtoo waa ay ka duwanyihiin wax walba”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *