Home » Europe » Champions League » Xidigaha Arsenal Oo Ciqaab Maaliyadeed La Kulmi Doona Hadii Ay Ku Fashilmaan Iney Usoo Baxaan Champions Leage.

Xidigaha Arsenal Oo Ciqaab Maaliyadeed La Kulmi Doona Hadii Ay Ku Fashilmaan Iney Usoo Baxaan Champions Leage.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa la kulmi doona ciqaab dhanka maaliyadda ah hadii ay kooxdu ku guuldareysato iney usoo baxdo koobka horyaalada yurub xagaaga soo aadan.

Sida lagu qoray Sportsmail, xidigaha Gunners waxey lumin doonaan gunno ku qiimeysan malaayiin lacag ah hadii kooxda ay markii ugu horeysay tan iyo 1997-dii ku guuldareysato iney usoo baxdo tartanka caalamiga ah ee Champions Leage.

Wiilasha Arsene Wenger haadan waa booska 5-aad, balse shan dhibcood kaliya ayey ka hooseyaan Liverpool iyadoo ay laba kulan gacanta ku heystaan.

Sida la fahamsan yahay qaar ka mid ah ciyaartoyda waxaa lagu qasbi doonaa iney dhimaan mushaarkooda hadii kooxda ay weyso tartamada yurub.

Dhaqankaan ka hirgalay Old Trafford, kama hirgalin Stamford Bridge madama Blues ay weysay tartamada yurub xagaagan, ciyaartoyda ayaana wax dhib ah la kulmin oo dhanka maaliyadda ah madama lagula balamay iney koob kusoo guuleystaan.

Iney tartankaan weyso lacago badan ayey ku lumineysaa, madama la xasuusto in xagaagii hoer gaaritaanka 16-ka kaliya ay ku heshay 46.7 Malyan oo Pound.

Liverpool waxey heshay 33.1 Malyan oo Pound madama ay gaartay finalka UEFA Europa League markaas oo ay ku lumiyeen Sevilla, halka Spurs ay iyana heshay 18.3 Malyan oo Pound.

Ugu dambeyntiina ma jirto cadad mucayin ah oo la sheegay iney lumin doonaan ciyaartoyda Gunners, balse gunno iyo qaar ka mid ah mushaarkooda ayey waayi doonaan sida lagu soo waramayo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *