Home » Latin America » Xulka Qaranka Bolivia Oo Ceeb Iyo Fool Xumo Biday Xulka Argentina.

Xulka Qaranka Bolivia Oo Ceeb Iyo Fool Xumo Biday Xulka Argentina.

Xulka qaranka Argentina ayaa markale ku hor kufay xulka qaranka Bolivia ayagoon wadan Lionel Messi.
Argentina ayaa horey kulamadii uu Messi kamaqnaa guul darooyin aruur saneysay, haatanna waxaa mugdi weyn uu ku jiraa rajadoodii usoo bixida koobka aduunka, waxeyna guul daro 2-0 ay kala kulmeen Bolivia oo ay marti u ahaayeen, taasoo ay usii dheereed in uu Messi kulankan ganaax ku seegay.
Sideed kulan oo Argentina Messi La’aan ay cayaareen mid kamid ah ayey guul gaareen halka 3 kamid ah guul darro dhabarka loo saariyay, 4 kulanna bar baro galeen.
Lix kulan uu xulkan Messi hogaaminayay 5 kamid ah waa ay adkaadeen, keliya hal khasaaro ayey lakulmeen.
Xulka qaranka Bolivia daqiiqadii 31aad waxaa hogaanka u dhiibayay xidigooda lagu magacaabo Juan Carlos Arce.

marka laisku soo laabtay qeebta labaad ee cayaarta daqiiqadii 53aad waxaa hogaanka usii dheereeyay natiijada cayaartana kadhigay 2-0 xidigooda Marcelo Martins Moreno.


Tababaraha Argentina Edgardo Bauza ayaa haatan uu shaki ku jiraa sii leylintiisa xulka.


Cayaartoydii labada dhinac ee 90-kii daqiiqo ee cayaarta ka soo muuqday:
Bolivia: Lampe, Bejarano, Raldes, Flores, Zenteno, Chumacero, Castro, Escobar, Wayar (Campos 85), Arce (Justiniano 73), Martins (Miranda 90).

Argentina: Romero, Roncaglia, Musacchio, Funes Mori (Caruzzo 36), Rojo, Perez (Acuna 70), Pizarro, Banega, Di Maria, Correa (Aguero 56), Pratto.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *