Home » Horyaalada » Yaya Toure Hadii Uu Ku Biiro Koox Kaloo Weyn Si Heer Sare Ayuu Ugu Ciyaari Karaa.

Yaya Toure Hadii Uu Ku Biiro Koox Kaloo Weyn Si Heer Sare Ayuu Ugu Ciyaari Karaa.

Maamulaha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka hadlay xaalda iminka uu ku sugan yahay laacibka qadka dhexe u maareeya naagia Citizens-ka ee Yaya Toure ayuu sheegay hadii xidigan uu ku biro koox kale oo weyn inuu ugu ciyaari doono si heer sare ah waloow tababare Pep Guardiola uu yiri laacibkan ahada waxa auu qeyb ka yahay safka xilli ciyaareedkan uu ku duulaan tagaayo tartamada ay ciyaareyso kooxda Manchester City.

Toure ayaa qandaraaska uu kula joogo kooxda City  waxa uu  dhacayaa bisha June ee sanadkan balse kooxda City ayaan wali laacibkan la furin wax wada hadalo ah oo ku saabsan heshiis kordhin.

Xidigii hore ee heerka caalami iyo Xulka Ivory Coast ayaa hadaa u muuqda mid kasii mid ahaan kara maamulka uu taliska u haayo nacalinka ay wax badan xurgufta ugula dhaxeysay ee Pep Guardiola inksatoo mudooyinkii danbe xidigan uu helay fursado badan oo isaguna uu isku muujiyey.

Balse labadan shaqsi xiriirkooda ayaa soo hagaagayey waqtiyadii ugu danbeeyey, Guardiola ayaa si cad shaaqa uga qaday marka  lagaaro dhaamadka xagaagan inay labadooda si wada jir ah kaga wada hadli doonan mustaqbalka xidigan halka uu ku danbeyn doono, hasa ahaatee tababare Guardiola ayaa cadeeyey hadii uu doorto laacibkan qadka dhexe ku wanaagsan inuu isga tago kooxda City, Pep ayaa intaas ku daray  hadii uu ku biro koox kaloo weyn inuu si aad u heer sareysa uu ugu ciyaaro doono.

“Isagu waxa uu ka ciyaari karaa meel kasta uu doonaayo. Waxa uu uu leeyahay shaqsiyad aad u sareysa xilli ciyaaredkan, isaga waa u caaawiyaa Aniga, waxa uu u ciyaara si sareysa waxa uu leeyahay qaab ciyaareed wanaagsan,” ayuu yiri Pep Guardiola iasagoo  waramayey hilinka lagu magacaabo The Mirror.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *