Home » Horyaalada » Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Dhawaajiyey War Ay Ku Farxaan Taageerayaysha Manchester United.

Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Dhawaajiyey War Ay Ku Farxaan Taageerayaysha Manchester United.

 

Weeraryahanka kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dhawajiyey in sii joogitaankiisa garoonka masraxa riyada ee Old Trafford uusan ku xirneyd usoo bixitaanka kooxda ee booska ka qeybgalka Champions League warkan ayaa aad u farxad galinaya dhamaan jaamaahiirta kooxda Manchester United.

 

Zlatan ayaa ku adkeystay in mustaqbalkiisa Manchester United uusan ku xiri doonid in kooxda ay usoo baxdo booska loogu soo baxo tartanka kooxaha qaarada Yurub ee Champions League ee xilli ciyaareedkan.

35 jirkaan qibrada iyo waaya aragnimada leh ayaa horay uga soo xamashay kooxaha Paris Saint-Germain, Inter Milan iyo Barcelona isagoona haatan wacdarahiisa ku soo bandhigaya masrayada dalka England ee horyaalka Premier League waaya aragaan ayaa hada kooxdaiisa Manchester United uansixiyey goolal dhan 27 tartamada oo idil oo uu usaftay Red Devils..

Ibrahimovic ayaa sheegay in halkan uu yimid iyadoo kooxda aysan ka qeyb galeenin tartanka Champioms League hatan aysan jirin wax sharuud ah uu ku xiraayo sii joogitaankiisa garoonka Old Trafford waloow eli kooxda United ay wada hhadalo usocdaan waxa halkan yiri isagoo u waramaayey Tv-ga kooxda MUTV.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *