Home » Europe » Champions League » Zlatan, Neymar Iyo Greizmann Oo Kasoo Muuqday Shax Keyd U Noqon Karta Kooxda Aduunka Ee FIFAPro World XI

Zlatan, Neymar Iyo Greizmann Oo Kasoo Muuqday Shax Keyd U Noqon Karta Kooxda Aduunka Ee FIFAPro World XI

Xafladii ka dhacday Zurich waxaa lagu bixiyay abaalmarino badan waxa ugu weyn ee sida wadarta ah loo gudoomay ayaana ah in la magacaabay kooxda sanadka FIFApro World Xi waxaana kasoo muuqday ciyaartoy waaweyn.

Horyaalka La Liga ayaa noqday midka xidigaha ugu badan laga soo xulay gaar ahaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid halka Bundesliga laga soo xulay kaliya hal xidig, Dani Alves ayaana noqday ciyaariyahan hadda ka ciyaara Serie A-da, balse wali la xasuusto waxqabadkii ilqabadka lahaa oo uu ka sameeyay Camp Nou qeybtii hore sanadkii dhamaaday.

Si kastaba shabakadda caalamiga ah ee Goal ayaa sameysay shax ay ku tilmaantay iney badal fiican u noqon karaan shaxdii FIFApro World XI, waxaana hogaaminaya goolhayaha qaranka Italy iyo Juventus Gianluggi Buffon, sidoo kalana waxaa daafacyada kasoo muuqday Jerome Boateng (Bayern Munich) Thiago Silva (PSG) Pep (Real Madrid) David Alaba (Bayern Munich).

Horyaalka Premier League-ga ayaa ku yeeshay sadex xidig waana Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Mesut Ozil, halka Neymar, Griezmann iyo Zlatan Ibrahimovic.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *