Kadib markii xili cayaareedkii hore 2013/14 naadiga Barcelona ay ku dhameesatay koob la’aan waxay haatan ku guuleesatay La ligaha Spain sidoo kalena sedex koob inay isku qaado ayay qarka u saran tahay.
Hadaba waxaa daaha laga qaaday 10-arimood oo kooxda Barcelona u sahleen inay xili cayaareedkan La Ligaha Spain ku guuleesato waxayna kala yihiin:
1. Luis Suarez iyo dadaalka uu la yimid min bilaaw ilaa dhamaad
2. Mucjisada Messi wuxuu dhaliyay 54-gool dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena 25-kubadood ayuu dhiibay.
3. Nimaad Cusub oo ay Barcelona cayaartay qaab weerar celis iyo difaac ku dheehan.
4. Barcelona oo caadeesatay inay kubadaha loo yaqaan (Set-piece) koornooyinka iyo laadadka lasoo tuuro inay si joogto ah xidigaheed a dhaliyaan.
5. Waxay si adag iskaga dhiciyeen kooxda Atletico Madrid oo xili cayaareedkii hore laf dhuun gashay ku noqotay.
6. Saxiixyada Barcelona ay sameesay oo kaalintooda si fiican u qaateen: Luis Suarez, Jeremy Mathieu, Ivan Rakitic, Claudio Bravo iyo Marc-Andre ter Stegen oo dhamaantooda awood dheeraad ah kooxda kusoo kordhiyeen.
7. Barcelona oo aan goolal badan laga dhalinin waxayna kooxdan ku dadaashay inay kulamo badan gool shabaqeeda la taabsiin (Clean Sheets) weliba 23-kulan Barcelona gool lagama dhalin sidoo kalena 19-gool ayaa laga dhaliyay!
8. Dhaawacyada kooxdan oo iska yaraa midaas waxay u sahashay in cayaartooyda kooxda ay si wanaagsan iskula qabsadaan sidoo kalena dhamaan xidigaha kooxda ay tartamada kala duwan cayaaraan.
9. Hoos u dhaca iyo fashilka Real Madrid ku yimid isagana waa arin kale oo Barcelona ka caawiyay inay La Ligaha ku guuleesato xili cayaareedkan.
10. Luis Enrique oo muujiyay inuu yahay hogaamiyaha dhabta ah inkastoo bilawgii xili cayaareedkan mustaqbalkiisa shaki la galiyay balse haatan qof ka daba hadli karto ma jirto!