Home » Europe » Champions League » 10-Ciyaariyahan Oo PSG Ah Ayaa Tartanka Champions League-ga Ka Reebay Chelsea

10-Ciyaariyahan Oo PSG Ah Ayaa Tartanka Champions League-ga Ka Reebay Chelsea


PSG

10 ciyaariyahan oo PSG ah ayaa tartanka horyaalada yurub ka ciribtiray kooxda Chelsea oo Stamford Bridge joogtay waxeyna kusoo baxday kooxda reer France sharciga goolasha banaanka lagu dhaliyo.

Durba Marco Verratti ayaa kubad qiyaano ah hoosta uga dhiibay Cavani oo ku sugan xerada ganbaaxa, balse John Terry ayaa ka diiday oo koorne u saaray  kubada daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.

Hazard ayaa si qurux badan uga xariiftamay Pastore, inkastoo kubadii uu goolka dhex dhigay uu soo bixiyay kabtan Thiago Silvaa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta.

Xamaasadda ciyaarta ayaa noqotaya mid heer sareysa iyadoo labada kooxood ay sameynayeen weeraro aan caadi aheen, iyadoo ay jirto in jamaahiirta Blues ay qeyb ka ahaayeen xamaasadda ciyaarta.

Javier Pastore iyo Eden Hazard ayaa ah labada xidig ee ugu shaqada badan ciyaarta qeybaheeda hore, iyagoo ah labada xidig ee lagu dhibtoonayay in la celiyo.

Zlatan Ibrahimovic ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 32-aad markii uu qalad xun ka galay Oscar, nasiib ayuu ku lahaa da’yarka reer Brazil Oscar ineysan lugta ka jabin.

PSG ayaana nusqaan ay gashay iyadooa ku ciyaareysa 10-ciyaariyahan, Sirugu ayaa badbaadiyay kubad uu dhinaca midig ka keenay Ivanovic.

Oscar ayaa sameeyay isku day fiican markii uu kubad xoogan la beegsaday goolka balse goolhaye Sirugu ayaa si habsami leh u qabsaday.

Diego Costa ayaa lagu riday xerada ganaaxa markii uu isku dayay inuu dhex qaado daafaca Paris Saint Germain, balse looma joojin daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.

Paris Saint Germain ayaa halis u gashay in gool laga dhaliyo markii Blues lagu abaalmariyay laad xor ah daqiiqadihii lagu qeybtaa hore ciyaarta, Cahill ayaa isku day sameeyay balse daafaca PSG ayaa iska soo saaray.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray gool la’aan (0-0) inkastoo aysan kooxna helin fursad qaali ah oo gool lagu dhalin karay.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Blues ay bilowday iney durba cadaadis saarto goolka PSG, Willian oo badal kusoo galay ayaana tijaabiyay goolka balse Sirugu ayaa ka saaray.

Maxwell ayaa isku dayay inuu kooxdiisa hogaanka u dhiibo inkastoo uu meel gees ah ka galay goolka balse daafaca Blues ayaa ka beeniyay daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.

Edinson Cavani ayaa qasaariyay fursadii ugu qaalisaneed ee soo martay PSG markii uu ka hortagay Courtios, si qurux badan ayuu uga xariftamay goolhayaha, balse kubadii uu goolka aadiyay Birta ayey kaga dhacday daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta.

Paris Saint Germain ayaa cadaadis xoog leh saartay Blues, inkastoo Courtios iyo dafaca Blues ay muujiyeen adeeg ay kaga hortagayaan.

Paris Saint Germain ayaa u dhawaatay iney gool dhaliso markii ay daqiiqad waali ah galisay Chelsea, Pastore ayaana kubad joog hoose oo lama filaan ah goolka ku tuuray Courtios ayaana badbaadiyay.

Sirugu ayaa PSG ka badbaadiyay iney shaqo guri aado markii uu kubad goolka ku socotay ka badbaadiyay Ramires oo dhinac kasoo galay daqiiqadii 80-aad.

Gary Cahill ayaa shaqo guri u diray Paris Saint Germain markii uu kubad qurux badan ka dhaliyay daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta isagoo hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa ee Blues.

Lavezzi ayaa isku dayay inuu jawaab dhaqso leh ka bixiyo goolka Cahill, markii uu madaxeeyay kubad uu dhinaca bidix kasoo tuuray Maxwell balse goolhaye Courtios ayaa si habsami leh u qabsaday.

Mar kale Paris Saint Germain ayaa sameysay markii kubad joog sare aheyd uu goolka aadiyay Pastore, balse uma suuragalin oo Courtios ayaa ka saaray.

David Luiz ayaa barbaro u keenay Paris Saint Germain oo nusqaan ah daqiiqadii 85-aad isagoo madaxa ku dhaliyay kubad koorne aheyd oo dhinaca midig laga keenay, Luiz ayaana ku dabaal dagay kooxdisii hore oo waliba joogta gurigeeda Stamford Bridge.

Hazard ayaa lagu riday meel aan ka fogeen xerada ganaaxa laad xor ah ayaana lagu abaalmariyay Blues, Fabregas ayaa u istaagay balse kubadii uu goolka aadiyay Silva ayaa saaray.

Chelsea ayaa bilowday iney  cadaadis xoog leh saarto goolka PSG, balse daafac adag ayaa ka hor yimid, ciyaartii ayaana ku dhamaatay barbaro 1-1, taasoo ka dhigan in isku cel-celis ay labada kooxood ciyaartooda noqoto 2-2.a

Waqti dheeri ah ayaa loo baahday in lagu daro ciyaarta, David Luiz iyo Gary Cahill ayaana kala dhaliyay labada gool ee ciyaarta ka dhashay.

Kabtan Thiago Silva ayaa kubad gacanta la doontay markii ay kubad ku dagaalameen Zouma, taasoo keentay in rigoore lagu abaalmariyo Blues.

Eden Hazard ayaa usoo istaagay isagoo si qurux badan u daba mariyay goolhaye Sirugu oo dhinac qaldan u jiheestaya, Blues ayaana qabatay hogaanka mar kale daqiiqadii 96-aad ee ciyaarta.

David Luiz ayaa u dhawaaday inuu mar kale dhaliyo goolka barbaraha ee PSG isagoo laad xor ah ku tuuray goolka Blues, Courtios ayaana ka badaadiyay kubad halis aheyd daqiiqadii 101-aad.

Hazard ayaa kubad hoos galis ah u dhiibay Diego Costa oo xawaare ku socda, balse kubadii uu damcay inuu goolka la beegsado Thiago Silva ayaa ka saaray.

Thibaut Courtios ayaa badbaadiyay kubad gool noqon kartay daqiiqadii 113-aad ee ciyaarta, kabtan thiago Silva ayaana madaxeeyay.

Thiago Silva ayaa noqday geesiga PSG markii uu barbaro u keenay daqiiqadii 114-aad, Madax caaqibo leh ayuuna dhex dhigay shabaqa Blues.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa soo dhamaatay, waxeyna kusoo idlaatay barbaro 2-2, taasoo ka dhigan in isku cel-celis ay noqoto 3-3, Blues ayaana laga dajiyay tareenka Champions League-ga madama laba gool looga dhaliyay gurigodaa, PSG ayaana gaartay Quater Finalka koobka Champions League.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>