Home » Maxaa Cusub » 10-Kulan Oo Ay Man United Cayaartay EPL Xili Cayaareedkan Iyo 10-Ka Sheeko Oo La xariirto!

10-Kulan Oo Ay Man United Cayaartay EPL Xili Cayaareedkan Iyo 10-Ka Sheeko Oo La xariirto!


United

Guuldaradii Man United ay 1-0 kala kulantay kooxda Man City kulankii Manchester Derby ayaa ka dhigan in hoos u dhacii ugu xumaa ay kooxdan ku afbilaawday horyaalka England tan iyo markii ugu horeesay 1986.

Macalin Luis Van Gaal iyo kooxdiisa United 10-kulan oo ay cayaareen EPL waxay aruursadeen 13-dhibcood dabcan kooxdii David Moyes ee sanadkii hore xiligan oo kale waxay lahayd 17-dhibcood.

Sidaa darteed 10-kulan oo ay United cayaartay waxay la kulantay 3-guuldaro ah hadaba waxaan idiin heynaa xog ku saabsan kooxdan 10-ka kulan oo ay ilaa haatan cayaartay iyo 10-xaqiiqo oo laga qoray:

Van Gaal Kalsooni buuxdo ayuu la yimid garoonka Old Trafford Man ahan macalin daciif ah.

Manchester United defender Marcos Rojo

Hormarka Man United waxaa ragaadiyay dhaawacyada joogtada ah ee xidigaha kooxdan todobaad walbo soo gaarayo.

Weli xidigaha uu heesto Van Gaal iskuma dheeli tirno waxaana muuqato in kooxdan ay u baahan tahay saxiixyo dheeri ah.

Phil Jones and Chris Smalling of Manchester United

Waxaa la joogaa xiligii Phil Jones iyo Chris Smalling hurdada ka kici lahaayeen waayo labadan daafac shaqo adag inay qabtaan ayaa looga fadhiyaa.

Van Gaal shaxdiisa isaga kaliya ayaa yaqaan, bilawgii xili cayaareedkan 3-5-2 ayuu Old Trafford ka hirgaliyay hadana wuu badalay haatana waxaa laga filaa inuu markale shax dheeri ah la imaado.

Manchester United tactic

David de Gea wuxuu muujiyay inuu gaaray heerkiisii ugu sareeyay 10-kulan oo ay United cayaartay wuxuu soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan sidaa darteed De Gae heersare ayuu ku tilaabsaday.

Manchester United goalkeeper David de Gea

Man United lama tartami karto Chelsea iyo Man City: kadib markii 10-kulan la cayaaray waxaa iska muuqato in United aysan sanadkan la tartami Karin Blues iyo City sidaa darteed xili cayareedkan Van Gaal wuxuu ku qasban yahay inuu dhiso koox mustaqbalka dhow City iyo Chelsea taqalusi karto.

Van Gaal go’aano adag ayuu qaatay xili cayaareedkan tusaale ahaan markii uu u magacaabay Rooney kabtanka Man United iyo sidoo kalena inuu xidigahiisa magaca leh mararka qaar kursiga keydka galiyo balse ka filo go’aano badan oo yaab leh inuu qaato xili cayaareedkan.

Van Gaal Shaqo culus ayaa u taalo hadii uu doonayo inuu dib u dhiso Man United seexasho uma taalo waayo 10-kulan ee uu cayaaray wuxuu garwaaqsaday in kooxdiisa weli waxbadan ka dhiman yihiin.

Halkee Man United ku dhameesan doontaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado, inkatsoo 10-kulan la cayaaray EPL hadana waxaa muuqato in United aysan ku guuleesan doonin horyaalka balse Van Gaal hadii uu bisha Janaayo soo iibsado daafacyo tayo wanaagsan waa hubaal in kooxdan ay ka mid noqon karto 4-naadi ee ugu sareeyo EPL marka la gaaro bisha May ee sanadka dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>