Sanadii 2004 waxaa soo shaac baxeyn dhalin qaab cayaareedkooda aad u wanaagsan yahay sidoo kalena hadal heynta saxaafada la wareegeen.
Wiilashaas xiligaas xiligaas waxay noqdeen kuwa loogu doonista badan yahay caalamka madaama bandhigooda aad u wanaagsanaa sidoo kalena mustaqbal cayaareed oo aad u fog uu ka hor bidhaamayay.
Hadama maanta 10-sano kadib xidigahii caalamka loogu doonista badnaa maanta waa side xaalkooda aan isla fiirino:
Wayne Rooney: Wuxuu markaas jiray 18-sano sidoo kalena Everton ayuu ka tirsanaa, haatan Man United ayuu ka tirsan yahay guulo taariikhi ah ayuu la qeebsaday sidoo kalena dhawaan xulka England 100-kulan ayuu u saftay. Heerka uu kubada ka gaaray waa heer lagu tilmaami karo Hit.
Diego: Wuxuu markaas jiray 18-sano sidoo kalena Santos ayuu ka tirsanaa, haatana naadiga Fenerbahçe ayuu ka tirsan yahay, balse heer naadi kooxo badan ayuu guulo lasoo qeebsaday sida Werder Bremen iyo Atletico Madrid laakiin heer qaran xulkiisa Brazil Flop ayuu ka noqday.
Robinho: Wuxuu markaas jiray 19-sano sidoo kalena Santos ayuu ka tirsanaa, haatana isla naadiga Santos ayuu ka tirsan yahay, inkastoo xidigan lacago badan lagu iibsaday hadana heer naadi fashil ayuu ku dhameestay madaama uu wax buuran la wadaagin kooxaha Real Madrid, Man City iyo AC Milan, waxaana lagu tilmaamay waqtigiisii mid Flop ah.
Freddy Adu: wuxuu markaas jiray 14-sano naadiga DC United ayuu ka tirsanaa, haatana wuxuu ka tirsan yahay naadiga FK Jagodina (Serbia), inkastoo uu magac weyn lasoo galay aduunka asigoo lagu tilmaamay Pele-cusub hadana xidigan heer naadi yo heerba fashil ayuu ku sugan yahay Big Flop!
Wesley Sneijder: wuxuu markaas jiray 19-sano naadiga Ajax ayuu ka tirsanaa, haatana wuxuu ka tirsan yahay naadiga Galatasaray, xidigan heer naadi iyo heer qaranba 10-sano oo aad u qurxoon ayuu soo qaatay waxaana lagu tilmaami karaa wayihiisa cayaareed mid guuleestay Hit.
Robin van Persie: wuxuu markaas jiray 20-sano naadiga Feyenoord ayuu ka tirsanaa, haatana Man United ayuu ka tirsan yahay, xidigan heer naadi iyo heer qaranba 10-sano oo aad u qurxoon ayuu soo qaatay waxaana lagu tilmaami karaa wayihiisa cayaareed mid guuleestay Hit.