Anagoo tixgalineyno codsiga aqristayaasheena sharafa leh waxaan maanta falanqeyn doonaa qiimaha ay ku fadhiyaan 11-ka xidig ee uu macalin Andrea Villas-Boas jecel yahay inuu todobaad walbo ku dagaal tago, balse marka hore aan warbixin guud idinka siino xidigaha ku sugan garoonka White Heart-Lane waxaa lagu sheegay tiro ahaan 24-cayaaryahan waxaana ajinabi ka ah 17-xidig tani ayaa ka dhigan in 71% xidigaha Liverpool ka tirsan ay yihiin kuwo ajinabi ah ama aanan u dhalanin dalka England! Guud ahaan xidigaha Tottenham ku sugan waxaa lagu qiimeeyay €313m balse waxaan si gaar ah maanta uga hadli doonaa qiimaha ay suuqa Yurub ka joogaan 11-ka xidig ee uu tababare AVB ku faano:
Goolhaye: Lloris, Hugo (26-sano, €17.5m)
Daafaca: Vertonghen, Jan (26-sano, €22m), Dawson, Michael (29-sano, €8m), Rose, Danny (23-sano, €7m), Walker, Kyle (23-sano, €17m)
Khadka dhexe: Paulinho (25-sano, €20m), Dembélé, Moussa (26-sano, €20m), Sigurdsson, Gylfi (24-sano, €8m), Eriksen, Christian (21-sano, €18m), Lamela, Érik (21-sano, €30m),
Weerarka: Soldado, Roberto (28-sano, €30m)
Qiimaha guud ay ku fadhiyaan: €197.5m
Waxaa Aqrisay: (85)
Mogadishu - Somalia