Home » Horyaalada » La Liga Spain » Zidane Oo Ka Hadlay Waxa Uu Cristiano Ronaldo Dheer Yahay Cayaartooyda Kale

Zidane Oo Ka Hadlay Waxa Uu Cristiano Ronaldo Dheer Yahay Cayaartooyda Kale


CR

Halyeega xulka France iyo kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay heerka uu Cristiano Ronaldo taagan yahay iyo waxa u sabab ah in Ronaldo uu marwalbo cayaartooyda kale ka sareeyo.

Zidane ayaa la dhacsan heerka uu maanta Cristiano Ronaldo taagan yahay wuxuuna yiri “Waxaa iga yaabiyay inuu marwalbo Ronaldo ku qancin waxa u qabsoomo”

“Waxa aan ku aamini karo oo uu cayaartooyda kale dheer yahay ayaa ah inuu hormar joogto ah sameeyo waana laacib xili walbo hadafkiisa u cad yahay”

“Hadii sanad walbo uu koobab qaado ama goolal badan dhaliyo wuxuu sanadka xiga doonayaa ka badan inuu gacanta ku dhigo waana mid sababtay inuu Ronaldo noqdo laacibka aduunka ugu wanaagsan”

Cristiano sedexdii sano ee ugu dambeesay labo ka mid ah waxaa loo doortay laacibka aduunka ugu wanaagsan sidoo kalena xidigan xili cayaareedkii hore Real Madrid wuxuu u qaaday koobka horyaalada Yurub markii 10-aad.

Sidaa darteed amaanta uu Zidane laacibka reer Portugal usoo jeedinaayo ayaa ah mid muuqato marka la fiiriyo waxqabadka uu xili cayaareed walbo la imaado.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>