Kadib markii aan ka marqaati ka kacnay dhamaanteena jabkii Real Madrid todobaadkan ku dhacay waxaa lasoo bandhigay 5-arimood oo laga bartay natiijadii taariikhiga ahayd.
Kooxda Atletic Madrid 4-0 ayay ku suul daartay naadiga ay deriska yihiin waxaana loo aqoonsaday natiijadan midii ugu fajaca badneed qaarada Yurub dhaawanahan.
Hadaba hoos kaga bogo 5-waxyaabood oo aan ka baranay kulankii Madrid Derby:
Macalin Simeone Wuxuu Muujiyay Inyy Ancelotti Kaga Awood Badan Yahay Madrid Derby: Tababaraha reer Argentina 6-kulan ee ugu dambeesay ee uu Real Madrid la cayaaray wax guuldaro ah ma arkin sidoo kalena shaxdiisa ayuu kaga awood batay ninka reer Talyaani ee Real hogaamiyo.
Atletico Waxay Muujisay Inay Koox Walbo Iska Dhicin Karto: Kadib markii sanadkii hore ku dhawaatay hanashada koobka horyaalada Yurub, hadana kooxdan weli ma quusanin, waxayna muujisay inay kooxaha reer Yurub dhagta dhiiga u dari karto marba hadii ay Real Madrid cashar u dhigtay.
Tiago Waa Xidig Kulamada Adag Loogu Tala Galay: 33-jirkan kulamada adag ee kooxdiisa marwalbo soo wajahaan isaga ayaa bad baadiyo, ha iloobin bishii September ee sanadii tagtay inuu Real gool ka dhaliyay sidoo kalena kulankii ugu dambeeyay isaga ayaa goolasha bilaabay. Wuxuuna Atletico u suura galiyay markii ugu horeesay 64-sano kadib inay labo kulan oo xariir ah La Ligaha ka badiyaan Real!
Sergio Ramos La’aantiisa Daafaca Real Madrid Waa Buunsho: Ma jeclo taageerayaasha Atletico daafaca reer Spain Ramos waayo marwalbo kubad adag ayuu la cayaaraa sidoo kalena waa ninkii sanadkii hore Champion-ka dhaafsiiyay.
Dhaawaca xidigan soo gaaray ayaa sababay in daafaca Real ceebtooda banaanka lasoo dhigo hadaba hadii uusan Ramos si dhaqsi ah usoo kabanin Real Madrid jab badan ayaa ku dhici doono xili cayaareedkan.
La Ligaha Haatan Waa Mid U Furan Hanashadiisa Sedex Naadi: Real Madrid wax walbo iyada aya isku adkeesay haatana hogaanka La Ligaha gacantooda ayuu ka bixi rabaa, markii hore loolanka horyaalka iyaga iyo Barcelona ayuu ka dhaxeeyay balse haatan Atletico ayaa meesha soo gashay.
Hadaba sidii sanadkii hore oo kale Atletico markale koobka maka dhex qaadi doontaa Real iyo Barcelona!