Madaama David De Gae uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Real Madrid oo la sheegay inay heshiis hordhac ah la gaartay.
Haatan gudaha garoonka Old Trafford xasilooni kama jirto sidaa darteed warbaahinta dalka England ayaa sheegtay in kooxda Man United ay 5-goolhaye mid kood ay u aragto inuu booska David De Gae buuxin karo.
Man United waxay la xariirtay goolhayaha kooxda Tottenham Hugo Lloris oo diyaar u ah inuu xagaagan kooxdiisa isaga hayaamo balse xidigan Spurs waxay ku dooneysaa 30-milyan oo pound.
United sidoo kale waxay fariin u dirtay goolhaye Tim Krul oo isagana kooxdiisa New Castle dhibsaday hoos u dhaca ku habsaday wuxuuna aad u jeclaan lahaa inuu garoonka Old Trafford imaado xagaagan.
Geeska goolhaye Petr Cech oo isagana Chelsea xagaagan ka tagaayo ayaa ah shaqsi la heli karo sidoo kalena mustaqbalkiisa suuqa Yurub lagu dhex haayo balse dhibaatada jirto ayaa ah in Chelsea ay diidi doonto hadii ay ogaato inay Man United xidigan ku raad joogto.
Ma ahan in la iloobo goolhaye Victor Valdes oo haatan Man United ka tirsan isagana waa goolhaye aad u tayo wanaagsan haatana caafimaad helay.
Waxaana macquul ah in macalin Van gaal uu Valdes xili cayaareedka dambe fursad siiyo kana dhigo goolhayaha kowaad ee kooxda Man United.
Ugu dambeyntii rajada kalo ee jirto ayaa ah goolhayaha 18-jirka ah Joel Pereira loo soo dalacsiiyo kooxda Man United madaama xidigan uu haatan u qabto kooxda heerka labaad ee United sidoo kalena tayo ahaan aad ayaa loo amaanay.