Roberto Soldado ayaa dhaliyay xalay gool guul ay ku gaartay Tottenham Hotspur kulan xamaasad leh oo ay White Hart Lane ku soortay kooxda Everton.
Weeraryahankaan reer Spain ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay horyaalka Premier League 9-bilood kadib, inkastoo sidoo kale goolkiisii ugu horeeyay ay u tahay dhamaan tartamada oo dhan kadib 594-daqiiqo oo uu ciyaaray.
Tababare Mauricio Pochettino ayaa wax badan ka badalay shaxdii uu guusha dirqiga ah uga gaaray Hull City todobaadkii hore wuxuuna dhexda soo wada galiyay Mason iyo Bentalab halka Lenon iyo Eriksen uu labada dhinac ka ciyaarsiiyay, Soldado ayaa weerarka hore ahaa waxaana ka dambeeyay Kane.
Roberto Soldado ayaana daqiiqadii 45-aad ee waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta dhaliyay gool hogaanka u dhiibay Tottenham Hotspur kaas oo noqday midkii ay sadex dhibcood ku qaadan lahaayeen.
Kevin Mirallas ayaa gool cajiib ah hogaanka ugu dhiibay Everton ka hor inta uusan Christian Eriksen ka faa’ideysan kubad uu soo badbaadiyay goolhaye Howard 6-daqiiqo kadib goolka Mirallas.
Ugu dambeyntii weeraryahankii hore Valencia ayaa haatan dareemi doona nafis waxaana ka dagay culeys iyo cadaadis badan oo ka saarnaa abaarta gool la’aan ee heysta.