Home » Maxaa Cusub » Aaron Ramsey Oo Aaminsan In Arsenal Ay Ku Guuleysan Karto Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyareedkaan

Aaron Ramsey Oo Aaminsan In Arsenal Ay Ku Guuleysan Karto Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyareedkaan


Ramsey

Xidiga khadka dhexe kooxda Arsenal Aaron Ramsey ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ka hartay tartanka horyaalka Ingiriiska xili ay todoba dhibcood kaliya ka hooseyso Blues oo hogaanka u heysa horyaalka sidoo kalana kulan baaqi ah gacanta ku heysata.

Blues ayaa todobaadkaan guul dhib badan ka gaartay Hull City kulan ay marti ahaayeen, waxeyna goolka guusha kaga mahad celinayaan Loic Remy oo badal kusoo galay.

Kabtanka Wales ayaa aaminsan iney kooxdiisa ku rajo weyn tahay ku guuleysiga horyaalka xili Blues ay fursad u heysato iney hogaanka ku qabato 10-dhibcood.

“Waa inaan diirada saarnaa nafsadeena isla markaana aaminaa kooxdeena” Ayuu yiri Ramsey.

“Waa inaan sameynaa isku day aan kulan walba guul ku gaarno ilaa dhamaadka xili ciyaareedka”

“Marka aad ciyaareyso horyaalkaan oo kale koox walba ayaa kaa badin karta, waana inaan si fiican uga taxadarnaa ineysan taasi dhicin”

Dhanka kale Arsenal ayaa kulanka ugu soo horeeya horyaalka Emirates kusoo dhaweyn doonta Liverpool, halka dhamaadka bisha April ay la ciyaari doonto Chelsea.

Ugu dambeyntii Arsenal haatan waxey booska labaad ee horyaalka u jirtaa kaliya hal dhibic iyadoo ku xigta Manchester City.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>