Xidiga reer Wales Aaron Ramsey ayaa ka dhawaajiyay inuusan ku faraxsaneyn booska uu kooxdiisa kaga cayaaro dhawaanahan.
Laacibkan tayada wanaagsan ayaa sheegay inuu dhibsaday nidaamka ah in todobaadyadii ugu dambeeyay uu dhanka garbaha ka cayaarayay.
Ramsey ayaa aad u jeclaan lahaa in xili walbo laga cayaarsiiyo lambarka 10-aad si uu kooxdiisa Arsenal goolal badan ugu dhaliyo.
“Inaan ka cayaaro garabka midig ma ahan dooqeyga mana xiiseeyo” sidaas ayuu yiri 24-jirkan muhiimka u ah Arsenal.
“Waxaan ahay kubad sameeye gudaha garoonka ka cayaaro waana booska aan ku wanaagsanahay waxaana jeclehay inaan cayaarta ka dhex muuqdo”
“Sidoo kalena kubada waxaa laga yaabaa inaad sedex ama 4-jeer taabato daqiiqadiiba hadii aad garbaha ka cayaareyso anigana waxaan jeclahay in marwalbo cayaarida kubada la qeebsado kooxdeyda”
Aaron Ramsey ayaa sheegay inuu marwalbo tixgalin doono go’aanka iyo shaxda macalin Arsene Wenger inkastoo laacibkan markii ugu horeesay uu si rasmi ah u muujiyay dhibaatada uu ku qabo ka cayaarida dhanka garabka midig ee khadka dhexe.