Aaron Ramsey oo khadka dhexe kaga ciyaara kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in lala xiriiriyo kooxda Barcelona sidoo kalana wuxuu qiray inuu aad u jecel yahay ka ciyaarida horyaalka Spain.
“Sida iska cad waa ii farxad” ayuu u sheegay Guardian, “Maalin waan jeclaan lahaa inaan ka ciyaaro Spain si aan u arko waxa aan jeclahay iyo qabrada halkaas taala”
“Balse waqti xaadirkaan waxaan ka mid ahay Arsenal, waan jecleysanayaa inaan ka mid ahaado u dhaqaaqeysa iney guuleysato wax walba u tartameysa”
Ramsey ayaa dhawaan si ba’an loola xiriirinayay kooxda Barcelona ee dalka Spain taasoo raadineysay badalka Xavi Hernandez oo kooxdan isaga tagay kadib sanado badan oo uu ku sugnaa, inkastoo wararkaas ay noqdeen kuwo aan sal laheyn.
Si kastaba hadalka Ramsey ayaa rajo kale galin kara Barcelona walow ayba lasoo saxiixatay Arda Turan oo ay Atletico Madrid kala soo saxiixdeen.
Ramsey waa mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Wenger iyo xulka Wales, wuxuuna ku faraxsan yahay nolosha Emirates Stadium.