Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan Oo Fursad U Heesato Inay La Saxiixato Weeraryahanka Juve Iska Fasixi Doonto Fernando Llorente

AC Milan Oo Fursad U Heesato Inay La Saxiixato Weeraryahanka Juve Iska Fasixi Doonto Fernando Llorente


Llorente

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in wakiilada weerrayahanka reer Spain Fernando Llorente ay la xariireen kooxda AC Milan waxayna kala hadleen qaabkii uu xiidgan ku imaan lahaa garoonka San Serio.

Inkastoo Llorente heshiiska uu Juve kula joogo labo sano ka harsan tahay hadana xidigan waxaa loo fasaxay inuu ku biiri karo naadigii uu doono xagaagan.

Sidaa darteed wakiiladan xidigan matalaan haatan wada hadalo wanaagsan ayay Milan kula jiraan madaama uu Llorente doonayo inuu dalka Talyaaniga kusii sugnaado.

Juve ayaa muhiim u aragto inay xidigan iska fasaxdo waayo sanad walbo wuxuu ka qaataa €4.5m oo isugu jirto mushaar iyo lacago kale oo guno ahaan loo siiyo.

Milan ayaa ka caga jiideyso inay Llorente lasoo saxiixato madaama ay rajo wanaagsan ka qabto inay Zlatan Ibrahimovic dib ugu soo celiso garoonka San Serio.

Balse hadii ay Zlatan ku guul dareesato inay soo celiso ayay Llorente lasoo saxiixan doontaa inkastoo ay loolan culus kala kulmi doonto kooxaha Wolfsburg iyo Tottenham oo xidigan u balan qaadeen boos joogto ah.

Llorente kaliya 7-gool ayuu Serie A-da ka dhaliyay xili cayaareedkii dhawaa madaama ay booska ka xirteen Carlos Tevez iyo Alvaro Moratta.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>