Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan oo Gabi Ahaanba Isaga Baxday Qorshihii Ay Ku Qaadan Rabtay Jackson Martinez

AC Milan oo Gabi Ahaanba Isaga Baxday Qorshihii Ay Ku Qaadan Rabtay Jackson Martinez


Jackson-Martinez

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah u sheegtay inay gabi ahaanba isaga baxday qorshihii ay lacagaha badan ku qaadan rabtay weeraryahanka reer Colombia Jackson Martinez.

Gudoomiye ku xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa sheegay in Milan ay wanaagsan ula xariirtay kooxda FC Porto sidoo kalena dalabkoodii €35m laga aqbalay.

Balse masuulkan ayaa sheegay inay rabitaan dhab ah ka waayeen Jackson Martinez madaama uu xidigan ka caga jiidayo inuu garoonka San Serio usoo dhaqaaqo.

Hadaba Adriano Gallaini oo ka hadlaayo arinkan wuxuu yiri “Hadii aan heesano €35m oo Martinez kula saxiixan rabtay iyo €40m oo aan Kondogbia kula saxiixan rabnay haatan waxaan heesanaa €75m waxaana kusoo iibsan karnaa xidigo kale oo u baahan inay Milan ka mid noqdaan”

Dhanka kale La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Jackson Martinez uu kooxda Atletico Madrid doortay sidoo kalena uu caasimada Spain u dhaqaaqi doono marka uu tartanka Copa America soo idlaado.

Wuxuuna Martinez buuxin doonaa booska Mario Mandzukic oo qarka u saaran inuu kooxda Juventus ku biiro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>