Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan Oo Guul Ka Heshay Dhigeeda Inter Milan Tartanka INTERNATIONAL CHAMPIONS CUP

AC Milan Oo Guul Ka Heshay Dhigeeda Inter Milan Tartanka INTERNATIONAL CHAMPIONS CUP


mexes

Kulan xiiso badan oo ka dhacay dalka China kana tirsanaa tartanka INTERNATIONAL CHAMPIONS CUP waxaa isku haleeleen kooxaha daris wadaaga ah AC Milan iyo Inter Milan.

Kulan xiisaha badan waxaa guusha 1-0 ku qaadatay naadiga AC Miln weliba gool cajiib badan oo laba lugaaleey ah waxaa guusha Milan ku siisay Philippe Mexes daqiiqadii 62-aad.

Kulan ka dhacay Shenzhen City Stadium waxba iskuma reebanin labada Milan weliba xidigaha labadan naadi bandhig wanaagsan ayay muujiyeen.

Balse ugu dambeyntii waxaa guusha qaatay macalin Sinisa Mihalovic oo dhagta dhiiga u diray kooxdii uu horey ugu cayaari jiray Inter Milan.

Kulan qaybihii u dambeeyay waxay Milan ku dhameesatay 10-cayaaryahan madaama uu calaamada cas ka qaatay Antonio Nocerino.

Inkastoo Inter Milan ay heesatay labada weeraryahan ee aan kala dhicin Mauro Icardi iyo Rodrigo Palacio hadana uma suura galin inay qaybihii ugu dambeeyay fursado dheeri ah abuurto.

Kulan shacab weynaha reer China siweyn ayay usoo dhaweeyeen madaama labada koox ee ka wada dhisan magaalada Milan ay garoonka kusoo bandhigeen xifaaltanka ka dhaxeeyo balse ugu dambeyntii naadiga AC Milan ayaa 1-0 guusha ku qaadatay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>