Kooxda AC Milan ayaa heshiis la gaartay xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Genao Andrea Bertolacci wuxuuna laacibkan garoonka San Serio imaan doonaa marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka kooxda Milan Adriano Galliani uu heshiis la gaaray gudoomiyaha naadiga Geno Enrico Preziosi.
Waxayna ka wada heshiiyeen qaabkii uu Andrea Bertolacci xagaagan garoonka San Serio ku imaan lahaa sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in labadan naadi ay ku heshiiyeen qiimo u dhaxeeyo €5 million ilaa €7 million.
Madaama Andrea Bertolacci qayb ka mid ah milkiyadiisa ay kooxda Roma leedahay haatan Milan waxay ku qasban tahay inay dhigeeda Roma kala heshiiso qaabkii ay xidigan milkiyadiisa kal ugu noqon laheyd.
Andrea Bertolacci ayaa xili cayaareedkan wacdaro aad u sareeyo ka dhigay Serie A-da Talyaaniga taasina waxay u suura galisay in tababare Antonio Conte uu xidigan xulka Italy ugu yeero.