Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan Oo Kalsooni Ka Muujisay Soo Xero Galinta Xidigaha Tayada Wanaagsan Jovetic Iyo Salah

AC Milan Oo Kalsooni Ka Muujisay Soo Xero Galinta Xidigaha Tayada Wanaagsan Jovetic Iyo Salah


Manchester City v Liverpool - Premier League

Kooxda AC Milan ayaa la sheegay inay haatan wada hadalo wanaagsan la wado dhigeeda Man City waxayna dooneysaa inay kala heshiiso qiimaha Stevan Jovetic.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in macalin Mihalovic uu qorshahan gadaal ka riixayo madaama ay Jovetic naadiga Fiorentina wada joogi jireen.

25-jirkan weerarka ka cayaaro waxaa lagu qiimeeyaa 25-milyan oo euro sidoo kalena Milan ayaa ku rajo weyn in 20-milyan ayay ku heli karto madaama ay xiriir wanaagsna la leedahay kooxda Man City.

Dhanka kale Milan ayaa la xariirtay wakiilka xidiga reer Masar Mohamed Salah oo aan rabin inuu dib ugu laabto kooxda Chelsea.

Salah ayaa sanadkan 2015 qaab amaah kula joogay naadiga Fiorentina wuxuuna wacdaro ka dhigay Serie A-da.

Sidaa darteed kubad sameeyahan ayaa doonayo inuu dalka Talyaaniga baaqi kusii ahaado waana mida u sahli karto Milan inay Salah gacanta kusoo dhigto.

Balse Milan waxay loolan culus kala kulmi doontaa kooxaha Juventus, Inter Milan iyo Roma oo dhamaantooda qal qaalo ugu jiran sidii ay Salah xagaagan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>