Kooxda AC Milan ayaa bilaawday inay la xariirto wakiilka tababaraha kooxda Fiorentina hogaamiyo Vicenzo Montella oo haatan kusoo baxay macalin la isku haleyn karo.
Milan ayaa qaati ka taagan tababare Pippo Inzaghi oo ku guul dareestay inuu xili cayaareedkan kooxdan faca weyn ka bixiyo hoos u dhaca heestay sanadihii ugu dambeeyay.
Wararka ayaa intaas ku daraayo in Milan ay tababare Montella u balan qaaday inay sanad walbo siin doonto 2-milyan oo euro ah hadii uu garoonka San Serio usoo dhaqaaqo.
Inkastoo warbixintan ay qortay La Repubblica hadana wargeska Corriere dello Sport ayaa sheegay in macalinkan uu rabo inuu kooxdia Fiorentina baaqi kusii ahaado madaama uusan rabin inuu dhibaatada Milandhexda ka galo.
Macalin Montella shaqo wacan ayuu naadiga Fiorentina ka qabtay madaama uu kooxdan haatan keenay kaalinta 5-aad Serie A-da waxayna sedex dhibcood ka hooseeyaan naadiga Napoli oo booska kaalinta 3-aad fadhiso.
Hadii kooxda AC Milan ay guul dareesato kulanka ay la cayaari doonto naadiga Verona waxaa la sheegay in macalin Inzaghi shaqada laga racadeyn doono.