Home » Horyaalada » italian Serie A » Adriano Galliani: “Milan Waxey Isku Dayday Iney Soo Xerogaliso Francesco Totti”

Adriano Galliani: “Milan Waxey Isku Dayday Iney Soo Xerogaliso Francesco Totti”


Francesco Totti

 

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Milan Adriano Galliani ayaa cadeeyay in kooxdiisa ay isku dayday saxiixa kabtanka gaamuray ee koxda Roma Francesco Totti, balse wuxuu qiray in ay ku qancin waayeen inuu kasoo dhaqaaqo Olympico isla markaana uu kusoo biiro kooxda Milan ee Sansiro.

Weeraryahanka reer talyaani ayaa noqday halyeyga caasimada talyaaniga, kadib markii uu 22-sano ku sugnaa kooxda Roma wuxuuna kula guuleystay 5-koob, wuxuuna ka mid yahay xidigaha nafsadooda u huray hal koox.

Galliani ayaa qiray in waqtigii xidigaan uu ku jiray Akadeemiga kooxda Roma ay isku dayeen iney lasoo saxiixdaan, balse uma suuragalin oo xidigaan waxaa ku weynaa Roma.

“Waxaan isku daynay inaan soo qaadano Totti markii uu yaraa, aad ayuu u garanayaa” Ayuu Gallinai u sheegay warbaahinta, “Balse kuma guuleysan, waxaana ogaanay ineysan suuragal aheyn inaan xidigaan ka kaxeyno Roma”

Isbuucii lasoo dhaafay Inter Milan ayaa iska ceyrisay Walter Mazzarri, kaas oo kooxda bilow xun u bilaabay waxeyna sababtay in dib loosoo celiyo Roberto Mancini oo Inter horay usoo maamulay, wuxuuna Gallini qiray in Pippo Inzaghi uu markii ugu horeysay kooxda maamulayo wax dhibaato ahna uusan keenin.

“Wuu ka duwan yahay marxalad ahaan wixii uu sameeyay Mazzarri, Pippo waxaa aad u jecel jamaahiirta, mana u maleynayo inuu wax dhibaato ah horseedi doono” Ayuu yiri Gallini.

Ugu dambeyntii Milan kaliya haatan hal dhibic ayey ka sareysaa Inter Milan waxeyna fadhisaa booska 7-aad ee horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>