Madaxweyne Ku xigeenka kooxda Milan Adriano Galliani ayaa shaaciyay inuu maanta magaalada Madrid kulan kula yeelan doono tababare Carlo Ancelotti oo la filayo in laga ceyriyo shaqada kooxda Real Madrid.
Macalinkii hore Milan ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu dib ugu laaban doono garoonka Milan, inkastoo wali aysan kala cadaan inuu Madrid sii joogi doono iyo in kale balse wararka xanta ah ee Spain iyo talyaaniga ka imaanaya ayaa sheegaya in macalinkaan uusan xagaaga dambe leylin doonin Madrid.
Adriano Galliani oo shalay la hadlayay saxaafada talyaaniga ayaa yiri: “Berito waxaan aadi doonaa Madrid, balse kuuma sheegi karo shaqada aan halkaas u aadayo, Madrid waxyaabo badan baa laga qaban karaa, mana ku dhihi karo waxaan Madrid u aadayaa kaliya inaan arko Ancelotti, waan arki doonaa wixii dhaca”
Sida la rumeysan yahay Milan waxey sidoo kale isha ku heysaa saxiixa Mario Mandzukic mana cada muhiimada ugu weyn oo uu Galliani u aadayo magaalada Madrid, walow saxaafada talyaaniga ay ku micneeyeen inuu Ancelotti la hadli doono.
Ugu dambeyntiina Milan ayaa la filayaa iney xili ciyaareedkaan is dhisto isla markaana ay si qurux badan uga soo muuqato Serie A-da waxaana sidoo kale ay dooneysaa Geoffrey Kondogbia.