Taranka koobka Qaramada Qaarada Africa ayaa si xiiso leh kaga socda dalka Equatorial Guinea, waxaana uu yahay mid aad loo daawado, inkastoo kulamada ugu badan ay kusoo dhamadeen natiijo barbardhac ah.
Group D ayaa caawa lagu balansan yahay in la ciyaaro waxaana dhici doona kulamo aad u xiiso badan oo dhexmari doona Ivory Coast vs Guinea iyo Mali vs Cameroon.
Ivory Coast oo ka mid ah dalalka ugu cad-cad tarankaan ayaa caawa la ciyaari doonta Guinea oo uu ka maqan yahay kabtankooda Kamil Zayatte oo ka dhaawacmay lugtiisa.
Daafacaan heerka caalami ee u ciyaara kooxda Shieffield Wednesday ayaan ka qeyb qaadan tababarkii ugu dambeeyay dhaawac dhanka lugta ah ayuuna kaga maqnaan doonaa.
Dhanka kale Ivory Coast ayaa shaki galineysa inuu safto Yaya Toure oo dhaawac muruqa ah uu kusoo cusbonaaday inkastoo tababare Herve Renard uu qiray inuu qiimeyn doono xaaladiisa.
XAQIIQADA KULANKAAN:
Ma jiro xidig ka gool caawis badan koobka Qaramada qaarada Africa tan iyo sanadii 2010, Yaya Toure (Wuxuuna caawiyay 4-gool, John Obi Mikel) Ayaana la siman.
Yaya Toure ayaa dhaliyay 6-gool, sideedii kulan ee ugu dambeysay oo uu u ciyaaro kooxdiisa Manchester City kulamada horyaalka.
Wilfried Bony ayaa ah xidiga ugu goolasha badan sanadkii 2014 horyaalka Ingiriiska 20-gool ayuu dhaliyay halka Yaya uu galay kaalinta 3-aad isagoo dhaliyay 17-gool.
Ivory Cost ayaan wax guuldaro ah la kulmin 11-ki kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen wareega groupyada koobkaan, inkastoo aysan ku guuleysan tartankaan tan iyo 1992.
Hal kulan ayaa labadaan kooxood dhexmaray 2008 ayeyna is arkeen kulan Ivory Coast ay ku badisay 5-0, Kalou ayaana kasoo muuqday kulankaas.
Sideedii kulan ee ugu dambeysay Guinea wey ku guuldareysatay iney difaacato shabaqeeda.
Mali iyo Cameroon ayaa kulanka labaad ciyaari doona kaas oo laga daawan doono geeska afrika 10:00 Habeenimo, waxaana Cameroon ka maqan Stephane Mbia oo ah kabtankooda kaas oo ganaax kaga maqan.
Xulka Cameroon ayaa usoo gudbay wareegaan, iyadoon guuldaro la gaarsiin kaliya 1-gool ayaana laga dhaliyay dhamaan kulamadii isreeb-reebka.
Tababare Volker Finke ayaa doonaya inuu awoodiisa ku muujiyo tartankaan kadib markii xulkaan si xun looga reebay koobkii Aduunka ee Brazil kusoo dhamaaday sanadkii hore.
Seydou Keita oo ah xidig u dhashay Mali ayaa ciyaaraya koobkiisii 7-aad, halka tababaraha reer Poland ee leyliya xulka Mali uu koobkii labaad leylinayo.
XAQIIQADA KULANKAAN:
Seydou Keita ayaa dhaliyay 7-gool, 22-kubadood oo uu goolka la beegaday, sadexdii koob ee lasoo dhaafay, mana jiro xidig sidaan oo kale sameeyay.
Mali ayaa labadii jeer ee ugu dambeysay ku dhameysatay kaalinta sadexaad, walina Final ma imaan tan iyo 1972.
Laba jeer ayey isku arkeen xulalkaan tartankaan markii ugu dambeysay Cameroon aaya 3-0 ku badisay, halka midkii ugu horeeyay ay barbaro galeen 1972.
SAACADAHA AY SOO GALAYAAN:
IVORY COAST VS GUINEA
7:00 Fiidnimo Xiliga Geeska Afrika:
MALI VS CAMEROON
10:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika: