Home » Horyaalada » italian Serie A » Agaasimaha Juve Giuseppe Marotta Oo Sheegay In Kooxdiisa Aysan Ka Quusanin Sidii Tevez Heshiis Cusub Looga Saxiixi Lahaa.

Agaasimaha Juve Giuseppe Marotta Oo Sheegay In Kooxdiisa Aysan Ka Quusanin Sidii Tevez Heshiis Cusub Looga Saxiixi Lahaa.


Tevez

Giuseppe Marotta ayaa niyada u dhisay taageerayaasha kooxda Juventus madaama masuulkan uu ka dhawaajiyay inay weli wadaan qorshe adag oo ay doonayaan inay Carlos Tevez heshiis cusub kaga saxiixaan.

Inkastoo xidiga reer Argentina uu marar badan ku cel celiyay inuusan heshiis cusub Juve u saxiixi doonin sidoo kalena sanadka 2016 dib ugu laaban doono kooxdiisii hore Boca Juniors.

Hadana agaasimaha Juve ayaa kalsooni weyn muujiyay wuxuuna sheegay inay dadaal xoogan wadaan wuxuuna yiri “Carlos waa laacib muhiim u ah Juve sidoo kalena waan tixgalin doonaa go’aanadiisa gaarka ah”

“Balse rajo weyn ayaan ka qabnaa inuu sanado badan nala sii joogo sidoo kalena uu heshiis cusub qalinka ku duugo madaama uu isaga xitaa ku faraxsan yahay nolosha magaalada Turin”

31-jirkan wuxuu Juve u dhaliyay 15-gool asigoo u saftay 23-kulan Serie A-da Talyaaniga xili cayaareedkan

Sidoo kale agaasime Giuseppe Marotta wuxuu ka hadlay mustaqbalka goolhaye Giggi Buffon inkastoo uu xidigan ku dhow yahay inuu cayaaraha ka fariisto.

“Giggi waa hormuudka naadiga waxaana dooneynaa inuu nala sii joogo kadib sanada 2017 oo ah xiliga uu qandaraaskiisa ugu eg yahay”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>