Wargeska Daily Star ayaa soo xigtay qoraal rasmi ah oo sheegayo in daafaca kooxda Man City Aleksandar Kolarov uu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono.
Daafaca garabka bidix ee rer Serbia dhaawac dhanka qoobka ah ayaa soo gaaray wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa mudo bil ah, Aleksandar Kolarov dhaawacan wuxuu soo gaaray xili uu tababarka Man City ku guda jiray wuxuuna kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulamo xasaasi ah.
Kolarov ayaa seegi doono labo kulan oo oo Champion-ka ah waxayna City la cayaari doontaa kulamadaad kooxaha CSK Moscow iyo Bayern Munich Sidoo kale sedex kulan oo Premiership-ka England ah ayuu seegi doonaa waxayna kulamaad City wajihi doontaa kooxaha QPR, Swansea iyo Southampton.
Macalinka kooxda Man City Manuel Pelligrini ayaa aad uga xun dhaawaca soo gaaray daafacan tayada wanaagsan wuxuuna saxaafada u sheegay in City aysan ka maarmin Kolarov “Waanka xumahay Aleksandro mudo bil ah ayuu naga maqnaan doonaa madaama dhaawac qoobka iyo muruqa luga uu qabo waxaana u filaa soo kabasho dhaqso ah”