Home » Maxaa Cusub » Alex Sandro Oo Ay Haatan Isku Heestaan Man United, Liverpool, Real Madrid Iyo Atletico Madrid

Alex Sandro Oo Ay Haatan Isku Heestaan Man United, Liverpool, Real Madrid Iyo Atletico Madrid


alex-sandro

Daafaca reer Brazil ee naadiga FC Porto Alex Sandro ayaa haatan kusoo baxay xidiga loogu doonista badan yahay qaarada Yurub madaama ay saxiixiisa isku heestaan kooxaha Man United, Liverpool, Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Alex Sandro ayaa sameeyay hormar aan caadi ahayn labadii sano ee ugu dambeesay sidaa darteed kooxaha reer Yurub ayaa wax galkiisa isla arkeen waxayna doonayaan inay xagaagan gacanta kusoo dhigaan.

Hadaba maamulka FC Porto oo ah maamul aan si sahal ah cayaartooyda looga qaadi karin waxay xidigan madaxiisa dul dhigeen €50M!

Kooxda Real Madrid ayaa xiriir wanaagsan la leh FC Porto madaama ay dhawaan €31.5M kaga iibsatay Danilo oo ay isku dal yihiin Alex Sandro balse Madrid waxaa loo sheegay in xidigan qiimo jaban marnaba looga iibin doonin.

24-jirkan garabka bidix ka cayaaro qandaraaska uu kooxda Porto kula joogo ayaa ku eg sanada 2016 waana arinka ku dhiiri galinaayo inay afartan naadi ay baadi goobaan saxiixiisa.

Balse koox walbo waxaa niyad jab ku riday kooxaha ay Sandro kooxdiisa dul dhigtay midaas oo caqabad weyn ku noqon doonto xagaagan inay la saxiixdaan.

Alex Sandro kooxdiisa FC Porto wuxuu xili cayaareedkan Champion-ka u saftay 9-kulan sidoo kalena hal kubad ayuu dhiibay waxayna kooxdiisa ku hartay wareega 8-aad.

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>