Home » Maxaa Cusub » Alexis Sanchez “Neymar Siweyn Ayaan Ugu Soo Dhaweyn Doonaa Emirates”

Alexis Sanchez “Neymar Siweyn Ayaan Ugu Soo Dhaweyn Doonaa Emirates”


Alxes

Weeraryahanka kooxda Arsenal Alaxis Sanchez ayaa ka dhawaajiyay inuu saaxiibkiis Neymar kusoo dhaweyn doono garoonka Emirates.

Labadan xidig ayaa magaalada London isku arki doonaan bisha Maarso ee nagu soo fool leh madaama xulalka Chile iyo Brazil cayaar saaxiibtinimo ku wada balansan yihiin garoonka Arsenal.

“Aadban ugu faraxsanahay inaan xulkeyga Chile kulankan u matalo madaama cayaartan ay tahay mid qiimo badan”

“Waxaan siweyn ugu hanqal taagaa inaan xulka Brazil garoonkeyga Emirates kula cayaaro”

“Sidoo kale waxaan si gaar ah u xiiseynaa in saaxiibkey Neymar aan iska ho imano”

“Neymar waan kusoo dhaweyn doonaa Emirates sidoo kalena xidigaha Brazil dhamaantooda gacmo furan ayaan kusoo dhaweyn doonaa”

“Marwalbo Brazil iyo Chile waxaa ka dhaxeeyo xifaaltan soo jireen dabcan kulankan xiiso gaar ah waxaa usii yeeli doono garoonka Emirates”

Labadan xul ee ka dhisan qaarada Koonfur Ameerika ayaa waqooyiga London ku cayaari doonaan 29-ka bisha Maarso kulan saaxiibtinimo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>