Weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa ka dhawaajiyay in horyaalka England uu kasoo kadsoomay sidoo kalena uu yahay midka aduunka ugu adag.
Sanchez wuxuu xagaagan lacago badan uga so hayaamay naadiga Barcelona wuxuuna niyada ku haayay in horyaalka England uu yahay mid furan kana sahlan La Ligaha iyo Serie A-da oo uu horey uga soo cayaaray.
“Marka aan u bar bar dhigo Premier League horyaalada aan kasoo cayaaray waxaan dhihi karaa waa mid dhib badan sidoo kalena kubad adag laga cayaaro, balse xaqiiqada ayaa ah inaan ka helay kubada laga cayaaro EPL”
“Ka hor intii aan Arsenal imaanin waxaan u heestay in EPL kubad sahlan laga cayaaro sidoo kalena uu yahay horyaal goolal badan laga dhalin karo balse aragtii aan qabay mid ka duwan ayaan haatan arkay”
Xidiga reer Chile ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Arsenal wuxuuan yiri “ka hor intii aanan Arsenal kusoo biirin waxaa la ii sheegay inay xidigo tayo wanaagsa halkan ku sugan yihiin”
“Midaas run ayay noqotay waayo Emirates laacibiin aad u wanaagsan ayaa ku sugan aniga wax badan ayaa ka faa’iideestay xidigahaas”
Ugu dambeyntii weeraryahankan awooda badan ayaa sheegay in kooxdiisa xili cayaareedkan koobab muhiim ah ku guuleesan karto inkastoo Arsenal ay haatan xidigo badan dhaawac kaga maqan yihiin.