Tababaraha Juventus ayaa doqonimo ku tilmaamay in tartanka horyaalka Serie A-da laga saaro kooxda Napoli inkastoo kooxda Roma ay tahay kooxda haatan kula xifaaltameysa horyaalka.
Juventus ayaa ku jirta waqti farxadeed marka la fiiriyo horyaalka Serie A-da waxaana ay haatan dooneysaa iney markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysato Scudetto madama Antonio Conte uu kooxda u suuragaliyay iney sadex jeer oo xiriir ah horyaalka ku guuleystaan, balse haatan Allegri ayaa doonaya inuu isna wadadii Conte qaado.
Si Kastaba Roma ayaa aheyd kooxdii kaalinta labaad gashay xili ciyaareedkii dhamaaday iyadoo Napoli ay ku dhameysatay kaalinta sadexaad, 1-0 ayeyna ku qaarijiyeen axadii lasoo dhaafay Fiorentina walow ay Roma qudheeda 2-0 ku garaaceen.
“Napoli dib ayey ugu soo laabteen tareenka” Ayuu Allegri ugu waramay warbaahinta.
Dhanka kale Juvnetus ayaa December 22-keeda wajahi doonta Napoli finalka Koobka Super Coppa Italia kaas oo ka dhici doona Qadar, inkastoo aysan wali is arkin kulamadooda horyaalka xili ciyaareedkaan.