Macalinka Kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa rajo fiican ka leh in Waaya Aragiisa Andrea Pirlo uu diyaar usoo noqon doono Lugta Labaad ee Champions League oo ay la yeelan doonaan kooxda Reer Germany Ee Borussia Dortmund.
Qabiirkaan Xagga Qadka Dhexe ayaa laga saaray Lugtii Hore ee Kulankii Kooxda Ay la yeelatay Dortmund wuxuuna seegay kulankii ay barbardhaca la galeen kooxda Roma.
Sidoo kale wuxuu Weyn Doonaa lugta hore ee Semi Fiinalaha Coppa Italia oo ay Naadiga la yeelan doonto Fiorentina maalinta Beri, waxaana xusid mudan inuu daawan doono labada kulan ee horyaalka Italy ay kooxdiisa la yeelan doonto Sassuolo iyo Palermo.
” Waxaan Rajeenayaa In Pirlo uu Soo Laaban Doono Kulanka aan la yeelan doono Borussia Dortmund” sidaas waxaa Shir jaraa’id ku sheegay Allegri.
Mar Macalinka wax Laga Weydiiyey barbarihii ay la galeen kooxda Roma ayuu yiri ” Si Wanaagsan ayaan u cayaarnay Kulankii Roma ilaa 70 Daqiiqo waxaan rajeenayaa inaan sii wadi doono horumarkeena, daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaartii Roma waxay naga caawin doontaa inaan Si Fiican u wajahno Kulamada lamidka ah ee Mustaqbalka”
Ugu Dambeyntii Kooxda Junvetus ayaa weli hoggaanka Horyaalka Serie A-da ku hogaamineyso 9 dhibic oo nadiif ah waxaana kaalinta labaad ku jirto Roma.