Alvaro Morata ayaa qarka u fuulay inuu ku biiro kooxda Arsenal ka hor imaatinkiisa magaalada Turin, balse wakiilkiisa ayaa ka dhawaajiyay in xidigaan uu iska diiday fursaadaas.
Morata oo lagu tilmaamo Raul-ka cusub ee Spain ayaa July 2014 kusoo biiray kooxda Juventus, wuxuuna la galay heshiis shan sanadood ah taasoo ka dhigan inuu kooxda Marwada duqda ah u hibeeyay mustaqbal dheer.
Wakiilka xidigaan oo lagu magacaabo Giuseppe Bozzo ayaa la hadlay Tuttosport wuxuuna ka dhawaajiyay in Morata uu Arsenal ka doortay Juventus xili labada kooxba ay lacago badan ku doonayeen.
“Real Madrid ma dooneyn iney iibiyaan isaga, kadibna waxey damceen iney ka iibiyaan koox lacago badan ku dooneysa, iyagoo raadinaya iney iska dhaafaan Juventus”
“Alvaro Morata waa macangag [Madax adag] waxaa jira hal eray oo xisaabta ugu jiray, wuxuuna cadeeyay inuu doonayo ku biiritaanka Juventus, heshiiska uu Juve ugu wareegayo ayaa la dhameeyay xili ay Madrid cadaadis sareeysay”
Ugu dambeyntiia Wakiilka ayaa arintaan ku tilmaamay in Alvaro Morata uu Juventus u arkay koox uu horamr ku gaari, waxaana rumoobay badi riyadiisa madama uu ka mid noqday xidigaha joogtada ah ee kooxda.