Da’yarka Kooxda Real Madrid Alvaro Moratta kaas oo warar ay qoreen saxaafada England ay ku sheegeen inu qaab amaah ah ugu biiri doono Arsenal marka la gaaro Bisha January ayaa beeniyay wararkaas kadib markii xidigaan heerka caalami uu shaaca ka qaaday war ka nixiya Arsenal oo qalqaalo ugu jirtay xidigaan.
Da’yarkaan 21-jirka ah ee u dhashay dalka Spain ayaa ka hadlay hadii uu ka tagi doono Madrid marka la gaaro January iyo xili kalaba.
“Wali waan da’yarahay waxaana jiraa 21-sano mana doonayo inaan u dhaqaaqo meel kale waxaan ku faraxsanahay Madrid, Zidane & Carlo wey ku faraxsan yihiin qaabkeyga waxaana hubaa inaan kalsooni ka heli doono” ayuu yiri Alvaro.
Sidoo kale Moratta ayaa ka hadlay awooda kooxdiisa.
“Madrid xiligaan wey xoogan tahay koox walba oo yurub ka tirsan waxey iska ilaalineysaa Madrid mana dooneyso iney kasoo hormuuqato” ayuu yiri mar kale.
Ugu dambeyntii Moratta ayaa ka dhawaajiyay inuusan dooneyn ka tagista Madrid isla markaana kooxaha doonaya ay calooshooda xirtaa.
Waxaa Aqrisay: (80)
Mogadishu - Somalia