Agaasimaha guud ee kooxda Bayern Munich Matthias Sammer ayaa siweyn u amaanay xidiga reer Argentina ee haatan ku dhibaateen garoonka Old Trafford Angel Di Maria.
Matthias Sammer oo la hadlaayay Sky Germany wuxuu yiri “Angel Di Maria waa xidig aad u wanaagsan sidoo kalena farsamdiisa sareyso”
“Sidoo kalena wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan waana laacib Real Madrid sanado badan si fiican ugu cayaaray”
Matthias Sammer ayaa sidoo kale amaanay Raheem Sterling oo ka gadoodsan inuu Liverpool u saxiixo wuxuuna masuulkan ka dhawaajiyay in Bayern ay xagaagan sameyn doonto saxiixyo taxadir ku dheehan.
“Waxaan si taxadir ku dheehan u dooran doonaa xidigaha wax nagu soo kordhin karaan sidoo kalena baaris badan ayaan sameyn doonaa ka hor inta aan wax talaabo ah qaadin”
Sky Germany ayaa sheegay in Bayern Munich ay Di Maria iyo Sterling ku raad joogto sidoo kalena kooxdan ay xagaagan lacago badan suuqa Yurub ku qarash gareen doonto.