Home » Horyaalada » La Liga Spain » Ancelotti Oo Markale Di Maria Weeraray Sidoo kalena Ka Hadlay Arimo Quseyo Ronaldo Iyo James

Ancelotti Oo Markale Di Maria Weeraray Sidoo kalena Ka Hadlay Arimo Quseyo Ronaldo Iyo James


Angel

Weli ma dhamaan dagaalka afka ah ee ka dhaxeeyo Angel Di Maria iyo kooxdiisii hore Real Madrid waxaana markan duulan culus ku qaaday xidiga reer Argentina Carlo Anceloti.

Macalinka reer Talyaani ayaa Di Maria ku tilmaamay shaqsi dhuuni ah oo Madrid ka doorbiday lacag.

“Di Maria laacib xun ma ahan balse waa dhuuni waayo lacag ayuu Madrid ka doortay”

“Real wey rabtay inay Angel ceshato balse isaga inuu kubad cayaaro ugama cadeyn ee lacag bursi ayuu ku jiray sidaa darteed hamigiisa weyn Madrid ma qancin karin!”

“Waxaa jirto xiliyo ay kooxda dalabka cayaartooyda diidi karto sidaa darteed Madrid way ku sax saneed inay diido dalabka Di Maria oo ahaa mid waali ah”

Geeska kale Ancelotti ayaa markale ku celiyay in Cristiano Ronaldo uu yahay laacibkii ugu wanaagsanaa ee uu ebid tababaro u noqdo wuxuuna yiri “waxaan macalin usoo noqday Zinedine Zidane iyo Zlatan Ibrahimovic balse Cristiano Ronaldo ayaa ah laacibkii ugu wanaagsanaa ee iga hoos cayaaro!”

Ugu dambeyntii tababare Ancelotti ayaa ka hadlay doorka James Rodriquez oo ay xagaagan Madrid €80m kusoo iibsatay.

“James wuu u qalmaa lacagta laga soo bixiyay sidoo kalena waa xidig wanaagsan mana ahan shaqsi ku yimid Madrid jaceelka u gudoomiye Perez u qabo ee waa dooqeyga”

“Hadii gudoomiyaha Madrid i dhaho cayaaryahankan aniga ayaa wato ama kooxda keenay isla markiiba xilka ayaan iska dhiibi lahaa!”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>