Home » Europe » Champions League » “Ancelotti Waa Macalin Weyn, Balse Waxan Rajeynaa In Juve Ay Gaarto Finalka UCL” Gianluca Zambrotta Ayaa Yiri

“Ancelotti Waa Macalin Weyn, Balse Waxan Rajeynaa In Juve Ay Gaarto Finalka UCL” Gianluca Zambrotta Ayaa Yiri


zambro

Daafacii hore kooxda Juventus Gianluca Zambrotta ayaa amaanay macalinkiisii hore Carlo Ancelotti inkastoo uu rajeynayo in kooxda Juventus ay gaarto finalka koobka horyaalada yurub xili ciyaareedkaan.

Zambrotta ayaa laba jeer kasoo hoos ciyaaray Ancelotti wuxuuna ku maamulay kooxaha Juventus iyo Ac Milan, inkastoo uu sidoo kale usoo ciyaaray kooxda Barcelona oo xifaaltan kula jirta kooxda uu Carlo haatan maamulo ee Real Madrid.

Si kastaba Zambrotta oo ka mid ahaa xidigahii ku guuldareestay iney Juventus la qaadaan Champions League sanadii 2003 sidoo kalana xulka Azzurri kula guuleystay koobkii Aduunka ee 2006 ayaa aaminsan in kooxda Turin ka dhisan ay reebi doonto Real Madrid.

“Carlo waa shaqsi weyn, waxaan nasiib u helay inaan la shaqeeyo labadaba Juve iyo Milan” ayuu Zambrotta u sheegay La Gazzetta dello Sport.

“Wuxuu ku guuleystay Champions League sanadii hore, waxaan rajeynaa in markaan ay Juve shidato, sidoo kale waxaan u rajeynaa Carlo inuu ku guuleysto La Liga” ayuu yiri Gianluca.

“Del Bosque ayaa ku fashilmay inuu sidaas sameeyo isagoo wata Ronaldo, Zidane, Raul, Carlos iyo Figo balse waxaan aheen kuwo xoogan inagoo quater finalka soo reebnay Barcelona taasoo na siisay kalsooni dheeraad ah” Ayuu hadalkiisa ku daray Zambrotta.

“Wuxuu ahaa kulan taariikhi ah, sidoo kalana kulankii ugu quruxda badnaa oo ay Juventus ciyaarto kulamada Champions League-ga ayuu ahaa”

Ugu dambeyntii Zambrotta ayaa rajeynaya in Tevez iyo Morata ay sameeyaan wax qaas ah marka la gaaro kulanka Madrid isagoo rajeynaya in kooxdisii hore ay gaarto finalka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>