Home » Maxaa Cusub » Ander Herrera Oo Farxad Galiyay Van Gaal & Jamaahiirta Man United Ka Hor Kulanka West Brom

Ander Herrera Oo Farxad Galiyay Van Gaal & Jamaahiirta Man United Ka Hor Kulanka West Brom


Herrera

 

Kubad sameeyaha reer Spain Ander Herrera kaas oo la filayay inuu seego kulanka isbuuca soo aadan ay kooxdiisa la ciyaari doonto Wests Brom ayaa farxad galiyay Jamaahiirta United iyo tababare Louis Van Gaal.

Xidigii hore kooxda Athletico Bilbao ayaa feerta ka jabay sadex isbuuc ka hor, iyadoo la rajeynayay inuu seego lix isbuuc, hadana tababare Louis Van Gaal ayuu u sheegay xidigaan inuu ka qeyb qaadan karo kulankaas.

Si Kastaba Herrera ayaa soo kabasho layaab leh sameeyay diyaar ayuuna u yahay inuu Isniinta wajaho kooxda West Brom, sidoo kale Herrera ayaa qiray in loo adeegsan doono cirbad xanuun baab’iye ah si uusan u dareemin xanuunka sii dhamaanaya.

Dhanka kale Van Gaal ayaa dooq u heysta inuu khadka dhexe ciyaarsiiyo Marouane Fellaini, iyadoo sidoo kale Michael Carrick oo mudo badan dhaawac kaga maqnaa kooxda uu tijaabo mari doono maanta Gelinka dambe isagoo ka qeyb qaadan doono kulan ay albaabada u xiran yahiin oo ay xerada tababarka kula ciyaari doonaan Burnley.

Van Gaal ayaa doonaya inuu guul ka keeno garoonka Hawthorns, isagoo maskaxda ku haya in labada kulan ee ka dambeeya West Brom uu la ciyaari doono kooxaha Chelsea iyo Manchester City oo ah laba kulan oo isxiga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>