Kooxda Man United ayaa aad uga walaacsan mustaqbalka xidigeeda Ander Herrera oo ay macquul tahay in mudo dheer laga joojiyo cayaaraha kubada cagta sidoo kalena uu xabsi mutesto.
Xidigan tayada wanaagsan ayaa lagu heestaa inuu qayb ka yahay cayaar la musuq maasuqay xili uu naadiga Real Zaragoza ka tirsanaa.
Gudiga la dagaalanka musuq maasuqa dalka Spain ayaa dabadal ku hayay Herrera iyo xidigahii kooxda Real Zaragoza xiligaas ka tirsanaa kuwaas oo loo heesto inay sii daayeen naadiga Levante xili cayaareedkii 2010/11.
Haatan dacwadii loo heestay xidigan ayaa gabo gabo ku dhaw waxaana afka lagu hayaa in mudo 6-sano ah cayaaraha laga joojin doono sidoo kalena uu Herrera xabsi gali doono!
Sidoo kale dacwadan xidigaha lagu soo eedeeyay waxaa ka mid ah xidiga naadiga Swansea City ka tirsan Jefferson Montera iyo kabtanka kooxda Atletico Madrid Gabbi iyo 41-shaqsi oo dalka Spain siweyn looga yaqaan.
Francisco Javier Porquera, oo ahaa xisaabiyaha agaasinka guud ee naadiga Zaragoz ayaa la sheegay in xili cayaareedkii 2010/11 uu lacago ka helay naadiga Levante si loo sii daayo waxaana lacagtaas lagu wareejiyay qaar ka mid ah xidigaha Zaragoza Account-kooda.
Xidigaha kala ah Lanzaro, Ander Herrera, Toni Doblas, Paulo da Silva, Braulio, Ponzio, Gabi, Jorge Lopez iyo Diogo ayaa la siiyay lacagahaas oo lagu shubay Account-kooda sidaa darteed dhamaan xidigaha ayaa lagu hayaa marqaati cad oo ay ku muteesan karaan in lix sano kubada laga joojiyo sidoo kalena xabsi ay galaan.