Home » Maxaa Cusub »  Ander Herrera “Weerarka Man United Waa Midka Caalamka Ugu Wanaagsan!”

 Ander Herrera “Weerarka Man United Waa Midka Caalamka Ugu Wanaagsan!”


Herrera

Laacibka reer Spain Ander Herrera oo haatan dhaawac garoomada kaga maqan ayaa aad ula dhacsan xidigaha Man United weerarka kaga cayaaraan xili cayaareedkan wuxuuna ka dhawaajiyay in United ay haatan heesato weerarka ugu wanaagsan caalamka.

“Sedexda weeraryahanka ee aduunka ugu wanaagsan Van Perise, Rooney iyo Falcao ayaa halkan ku suga sidaa darteed dhalinta goolasha dhibaato kuma qabno mana ku qabi doono”

“Sidoo kalena Mata, Di Maria, Adna, Blind iyo aniga waxaan u taaganahay inaan weeraryahaneeda caawino waana hubaa xili cayaareedkan inaan goolal badan dhalin karno”

Herrera oo haatan dhaawac kaga maqan Man United ayaa ka dhawaajiyay inuu si wacan ugu raaxeesanaayo nolosha garoonka Old Trafford.

“Waan ku faraxsanahay ka mid ahaan shaha United sidoo kalena sharaf weyn ayay ii tahay ilaa haatan inan labo gool kooxeyda u dhaliyay waxaana filaa inaan ka badan dhalin karo xili cayaareedkan”

Sidoo kale xidigan tayada wanaagsan ayaa ka dhawaajiyay in EPL uu yahay horyaal dhib badan sidoo kalena kooxaha ay isku awood yihiin taasina wuxuu u arkaa in tayada horyaalka ay sare usii qaadeyso.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>