Weeraryahanka kooxda Chelsea Andre Schurrle ayaa weerar muuqdo ku qaaday xidiga kooxda Man United iyo xulka England Wayne Rooney asigoo sheegay in Rooney uusan ahayn cayaaryahan tayo wanaagsan sidoo kalena hadii uu Jarmal ahaan lahaa uusan heli laheyn fursad uu reer Jarmal kaga soo dhex muuqdo.
Ka hor kulanka Talaadada garoonka Wembley ay ku wada balansan yihiin xulalka England Vs Germany ayuu Andre Schurrle saxaafada la hadlay wuxuuna bilaabay dagaal aan la fileyn madaama uu bartilmameed ka dhigtay Wayne Rooney.
Andre Schurrle oo bilawgii xili cayaareedkan kooxda Chelsea kusoo biiray wuxuu yiri “Rooney waa cayaaryahan wanaagsan balse kama uusan mid noqon laheen Line Up-ka xulka Jarmalka hadii uu Jarmal ahaan lahaa waayo waxaan heesanaa xidigo isaga ka tayo wanaagsan sidaa darteed wuu nasiib wanaagsan yahay!”
Andre Schurrle oo dhoola cadeynayo ayaa sheegay in haatan Jarmalka ay yihiin xulka ugu tayada wanaagsan dhanka cayaartooyda asigoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “igama ahan inaan Rooney meel uga dhacaayo balse xaqiiada jirto ayaa ah inaan heesano xidigo aad u tayo wanaagsan bal fiiri boos walbo labo cayaaryahan iyo ka badan ayaa isku heestaan sidaa darteed waxaan nahay xulka ugu tayada wanaagsan xiligan la joogo”
Hadaba Wayne Rooney muxuu kaga jawaabi doonaa weerarka muuqdo ee uu kusoo qaaday Andre Schurrle?
Waxaa Aqrisay: (175)
Mogadishu - Somalia