Inkastoo Andre Schurrle uu yahay xidig dadaal badan hadana weeraryahanka xulka Jarmalka iyo kooxda Chelsea ayaa ka dhawaajiyay inuu cashir dheeraad ah ka kororsaday macalinkiia Jose Mourinho.
“Jose Mourinho wuxuu i baray inaan kaalinta labaad ku qancin oo aan marwalbo kaalinta 1-aad oo kaliya ku qanco”
“Sidaa darteed kubada markaan cayaarayo kaliya waxaan maskaxda ku hayaa dar daaranka macalinkeyga oo ah inaan marwalbo libanta qaato”
“Jose wuxuu u arkaa guuldaro inuu aqbalo kaalinta 2-aad sidaa darteed falsafadiisa ayaan dabaqay waxayna ii sahashay inaan xulkeyga Jarmalka kula guuleesto koobkii aduunka”
Andre Schurrle oo la hadlaayay wargeska The Bild ayaa xusay inuu haatan kalsooni dheeraad ah isku qabo sidoo kalena ka mid yahay xidigaha Chelsea ugu muhiimsan.
“Macalin Jose kalsooni weyn ayuu igu qabaa marwalbo wuxuu igu dhiiri galiyaa inan dadaalkeyga sii wato midaas kalsooni ayaan ka helay haatana door muhiim ah ayaan Blues ku dhex leeyahay”