André Schurrle ayaa haatan u muuqdo in mustaqbalkiisa cayaareed ee kooxda Chelsea uu mugdi sii galaayo waayo xidigan tan iyo markii uu xulka Jarmalka koobkii aduunka kula guuleestay xagaagan waxaa soo wajahay hoos u dhac aad u xoogan.
André Schurrle bilawgii xili cayaareedkan macalin Mourinho wiilkan kalsooni buuxdo ayuu ku qabay wuxuuna kusoo bilaabay kulamadii ugu horeeyey EPL balse Schurrle ayaa qalad ku lahaa goolal ay Chelsea ka dhaliyeen Swansea City iyo Man City madaama uu daafaca Chelsea caawin waayay.
Haatana xidigan awoodiisa dhanka weerarka ayaa daciiftay gaar ahaan kulankii Capital One Cup ee Chelsea la cayaartay kooxda Shrewsbury Town wuxuu cayaaray 90-daqiiqo balse bandhig xun ayuu muujiyay.
Kulankii ugu dambeeyay ee Champion-ka oo ay Chelsea wajahday naadiga Moribor xidigan kulankan waa lagu soo bilaabay balse qaybtii labaad gudaha ayaa lagu soo badalay weliba Mourinho ayaa aad uga carooday jah wareerka xidigan heesto.
Haatan lama filaayo dhawaanahan in Schurrle lagu arki Line Up-ka Chelsea waxayna saxaafada dalka Ingiriiska soo bandhigtay 5-laacib oo ay Chelsea ku raad joogto saxiixooda kuna badali karaan booska Schurlle waxayna xidigahaas kala yihiin:
Andre Ayew – Marseille
Marco Reus – Borussia Dortmund
Son Heung-Min – Bayer Leverkusen
Juan Cuadrado – Fiorentina
Ross Barkley – Everton